DFS oo ka been sheegtay Mashruuca dhismaha Wadada Gaalkacyo – Garoowe

Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si cad uga been sheegtay Mashruuca dhismaha Laamiga Garoowe iyo Gaalkacyo.

Ugu horrayn wasaaraddu waxay sheegtay in Mashruuca la saxiixay sannadkii 2019, taasina waa been Mashruuca dhismaha Wadada Garoowe-Gaalkcyo waxa la saxiixay 11 Maarso 2015.

Waxa si wadajir ah wakhtigaas u saxiixay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, safiirkii Midowga Yurub u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo Safiirkii Jarmalka u qaabilsanaa Soomaaliya Andreas Pesxhke.

Lacagta loo qoondeeyay Mashruuca waxay ahayd $21 Milyan oo Dollar, waxaana $18 Milyan oo kamid ah bixinaysay Midowga Yurub, halka $3 Milyan oo kale ay bixinaysay dowladda Jarmalka.

Balse, Mashruucaas waxa la joojiyay 5 September 2018, kadib markii Safaaradda Jarmalka ee Nairobi Qoraal ay soo saartay ku sheegtay in musuq maasuq hareeyay Mashruuca.

Sidoo kale, Wasaaradda Qorshaynta Soomaaliya waxay sheegtay in iyadu Mashruuca soo celisay, taasina waa been abuur, waxa soo celiyay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

7-dii April 2019 ayaa dib loo fasaxay Mashruuca kadib kulan Garoowe ku dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Safiiraddii Jarmalka u qaabilsanayd Soomaaliya Annett Günther.

Waxaase Fulinta Mashruucan laga wareejiyay hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jarmalka ee GIZ, waxaana la wareegtay hay’adda Qaramad Midoobay ee UNOPS.

Mashruuca ayaa la filayaa in uu si rasmiya dib ugu bilowdo bisha soo socota, si loo dhaqaajiyo dhismaha Laamiga Garoowe iyo Gaalkacyo oo aad u burbursan.

WQ: Cabdiraxmaan Ciise