Hoggaamiyihii mucaaradka Rwanda oo la dilay

Hogaamiyihii mucaaradka dalka Rwanda Seif Bamporiki ayaa lagu dilay dalka koonfur Afrika, waxaana dilkiisa kasoo baxaya faah faahinno kala kala duwan.

Hoggaamiyaha ayaa lagu dilay magaalada Cape Town, waxaan in muddo ah uu dalkaasi ku joogay Musaafuris, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu ka tirsanaa xisbiga lagu magacaabo Rwanda National Congress (RNC).

In kasta oo ujeeddadiisa dilkiisa aaney weli caddeyn, afhayeen u hadlay RNC, Etienne Mutabazi, ayaa sheegay in qaabkani uu ka muuqdo weeraradii hore ee ujeeddada siyaasadeed laga lahaa.

“Dilka waxaa lagu fuliyay qaab la mid ah ka duufsashada dhibanaha meel khalkhal gelinaysa iyo jawi nabadgelyo darro ah oo dil ah,” ayuu yidhi.