James Swan “Su’aal ayaa ka taagan Sharci Ahaansha Villa Soomaaliya Uu Ku Joogo Madaxweeynaha”

James Swan Wakiilka Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya , ayaa khudbad dhinacya badan taabaneyso uu kaga hadlay arrimaha Soomaaliya waxa uu ka jeeydiyay shirka Golaha Ammaanka QM oo xalay ka qabsoomay Aalladda fogaan aragge ee Zoom-ka .

Shirkan oo ay ka soo qeeyb galeen xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waxa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, Arrimaha Bini aadanimada , Doorashooyinka iyo Ammaanka.

Swan ayaa sheegay Soomaaliya in ay wajaheyso xaalad cakiran oo dhanka Ammaanka ah , isagoo sheegay in ay ka walaacsan yihiin shaqaaqadii magaalada Muqdisho ka dhacday jicmihii .

“Xiisadaha ka dhasha hirgelinta doorashada ayaa hada waxaa ku soo kordhay su’aalo ay soo bandhigeen qaar ka mid ah dadka siyaasada ku xeel dheer ee ku saabsan sharci ahaanshaha xilka madaxweynaha ka dib markii uu dhamaaday muddadiisii dastuuriga ahayd 8 Febraayo. Xukuumaddu waxay soo xigatay qaraarkii baarlamaanka ee bishii Oktoobar u oggolaanayay Madaxweynaha inuu sii joogo, laakiin tan waxaa ku tartamaya kuwa kale.”