Madaxweynaha Jubbaland iyo James Swan oo kulan ku leh Kismaayo

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, iyo Wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa kulan la leh Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulanka James Swan iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa looga hadlayaa Arrimaha Doorashooyinka Dalka, gaar ahaan dhameystitka heshiiskii Doorashooyinka ee 17-September iyo sidii loo xalin lahaa tabashada Jubbaland iyo Puntland.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii Madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland uga soo qeyb geli lahaayeen shirka Wadatashiga Muqdisho, si xal looga gaaro is mari waaga ka taagan hirgelinta hannaanka doorashada.