Mareykanka oo walaac ka muujiyay xaalada cakiran ee Somalia

Mareykanka ayaa ugu baaqay Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay aqbalaan talooyinka ka soo baxay shirkii Guddiga farsamada ee ka dhacay Baydhabo in si dhaqse loo bilaabo hirgelinteeda.

“Talooyinka ayaa bixinaya qaab-dhismeed cad oo lagu xallinayo caqabadaha siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya” sida lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee Ergeyga Mareykanka ee UN-ka