VIDEO: Safiirka Ireland ee QM oo ka digtay xaalada Somalia

Safiirka Ireland u fadhida Golaha Ammaanka ee QM Amb. Byrne Nason ayaa si kulul uga hadashay shaqaaqooyinkii ka dhacay Muqdisho iyo Awoodda ciidan ee Dowladda u adeegsatay bannaan baxayaasha.

“Waddooyinka Muqdisho maalmihii la soo dhaafay waxaa laga maqlayay dhawaaqa hub culus, laguma rideyn Al-Shabaab, laakiin waxaa loo ridaayay dano siyaasadeed, waxaan aragnay in Dowladda Federaalka ay ciidamo ku daadgureysay bannaan baxayaasha” ayay tiri.

Mar ay la hadleysay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq ayaa tiri “Wasiir, waxaan arkaa inuu shaashadda ka baxay, waxaan aaminsanahay inaad nala socoto. Wasiir, waxaan rabaa inaan tiraahdo waa idinku raacsan nahay in rabshadahan aan la aqbali karin. waxayna dhaawaceysaa nabada, amniga iyo xasiloonida dalkaaga, waxay halis gelineysaa dadka rayidka ah.

Safiirka Ireland u fadhida Golaha Ammaanka ee QM Amb. Byrne Nason ayaa intaas ku dartay “Waxaan ku dhiiri galinayaa hoggaamiyaasha Soomaaliya in wax walba ka hormariyaan danaha dadkooda, isla markaana dib loogu noqdo wada hadal wax ku ool ah”