Wasiirka Arrimaha Dibedda oo waji gabax kala kulmay Shirka Golaha Amaanka QM.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Cabdirisaaq Abaakur, ayaa waji gabax kala kulmay Shirka Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, oo uu ka qeybgalay Isniintii.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa inta uu ku guda jiray khudbad uu ka jeedinayay Shirka Golaha Amaanka, laga dalbaday inuu soo gaabiyo Hadal-jeedintiisa oo u badneyd eedeymo uu u jeedinayay Madaxweynayasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland oo xubno ka ah DFS.

Sidoo kale, Maxamed Cabdirisaaq ayaa intii uu ka qeybgalayay Shirka laga dalbaday inuu qiro in Dowladda Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS uu ku kacay falal ka dhan ah xoriyadda hadalka iyo dambi, maadama uu weerar ku qaaday Midowga Musharixiinta oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee Dalka iyo Ra’iisul Wasaarihii hore.