Akhriso: Puntland oo shuruudo cusub ku xirtay ka qeybgalka Shirka Muqdisho

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa looga hadlay xaalada cakiran ee Soomaaliya, waxaana Puntland ay sharuudo cusub ku xirtay ka qeyb-galka geedi socodka doorashada.

Shuruudaha ku qoran War-saxaafadeedkan oo ka kooban 3 Bog, laguna qoray Afafka Soomaaliga iyo Engaliishka ayaa waxaa kamid ah;

  1. In la bedelo saddexda Taliye Ciidanka Qalabka sida, Booliska, Milateriga iyo NISA
  2. In go’aanadii baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ay gaareen wixii ka dambeeyey 27-kii December 2020-ka, Go’aan kasta oo ay Xukuumadda FS gaartay wixii ka dambeeyey 8 Feb in laga laabto sharci darrana laga soo qaado.
  3. In laga xisaabtamo wixii dhacay 19 February, guddi xaqiiqo raadin ah loo saaro dhacdooyinkii dhacay
  4. In saamileyda siyaasadeed iyo bulshada rayidka ah ay qeyb ka noqdaan geedi socodka kulamada oo laga qeybgaliyo.
  5. Beesha Caalamka ay damaanad qaado fulinta Heshiisyada doorashada (April 2016-kii Saxiixayaal Heshiiska)

6- in shirka wadatashiga qaran uu ka dhaco goob ammaan ah oo Muqdisho ah.