Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay geerida Prof. Castro

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Prof. Maxamed Cali Xasan(Castro) oo ku geeriyooday Muqdisho.

Prof Castro waxaa uu kamid ahaa aas aasayaashii Jubaland isagoo sidoo kale qeyb weyn kasoo qaatay dhismaha shuruucda hay’adaha dowliga ah waxaana hada uu la taliye sare ka ahaa hanaanka dhismaha Dowladaha hoose ee Wasaarada arrimaha gudaha.

Waxaa Madaxweynahu uu si gaar ah tacsi ugu dirayaa dhamaan Shacabka ree Jubaland si gaar ahna ehelada iyo qaraabada Marxuumka isagoo Alle uga baryay in uu Naxariistii jano ka waraabiyo.