Madaxweynaha Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane a Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo caawa ku geeriyooday Muqdisho.

“Alle ha u naxariisto Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, wuxuu ahaa Odey Soomaaliyeed oo kaalin muhim ah kasoo qaatay dhismaha dowladdnimada, Nabadgelyada, arrimaha Bulshada iyo horumarka guud ahaan Soomaaliya.

Wuxuu ahaa shakhsi siweyn looga yaqaanay dalka oo ku sifoobay wanaag iyo nabad ka shaqeyn, waxaan tacsi u diraya ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan hoggaanka dhaqanka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday.”

Madaxweynaha Puntland waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.