VIDEO: Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Caburin iyo xoog kama yeeleyno madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ah Midowga Musharixiinta oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in dowladda aysan joojin karin banaanbaxa Jimcaha ka dhacaya magaalada Muqdisho.

“Caburin iyo xoog kama yeeleyno madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday waana dhacaya banaanbaxa Jimcaha ee lagu dalbanayo in doorasho dalka ka dhacdo” ayuu yiri CC Warsame.

Wasiirka amniga Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa shalay sheegay in aan la qaban karin banaanbax iyo kulan dadweyne.