VIDEO: Daahir M. Geelle “Waxaa rabnaa inaan mudahaaraad nabadeed qabno”

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa mar kale ku adkeystay inay qabanayaan bannaan baxa maalinta jimcaha, iyagoo ka digay in laga waantoobo oo aan la is hortaagin si la mid ah kii jimcihii hore.

“In nala qasbo ayaa diidnay Soomaali haddaan nahay hadda ka hor, hadana ma aqbali karno, taas nuxurkeeda waxaa kala jeednay maalin dhoweyd markii bannaan baxa nabadeed aan qabaneynay isbaaro ayaa naloo dhigtay, isbaaro iyo argagixiso looma hoggaansamo waa laga horyimaadaa sidaas darteed waxaa go’aansananay maalinta jimcaha ee soo socota waxaa rabnaa inaan mudahaaraadkii nabadeed inaan qabno” ayuu yiri Musharax Dahir Maxamuud Geelle oo ah Afhayeenka Midowga Musharaxiinta.

Dahir Maxamuud Geelle ayaa intaas ku daray “Waxaa rabnaa in laga waantoobo isbaaradii loo dhigan jiray la ogaado isbaaro iyo argagixiso looma hoggaansamo waa laga diidaa, culeys ayuu leeyahay, laakiin haddii la iska dhaafo waxa idinku dhacayo ayaa ka badan waa gumoobeysaan, mana rabno Soomaali inay gumowdo dadka inaan waxaan inaan barno yeel oo sharci darro ah maya oo sharci ah inay ka horgeeyaan”.