VIDEO: Puntland oo dib u furaysa garoonka diyaaradaha Xaafuun

Dowladda Puntland ayaa bilowday dayactirka Garoonka diyaaradaha Degmada Xaafuun ee Gobalka Bari, kaas oo aan shaqeyn muddo fara-badan.

Injineero ka socda Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland oo bil kahor gaaray Degmada Xaafuun, ayaa sheegay inay dhowaan soo gaba-gabeyn doonaan dayactirka Garoonka oo la dhisay 1974-tii.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Gobalka Bari Axmed Cabdullaahi Cirro, oo kormeeray Garoonka diyaaradaha Xaafuun ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabanayaan duulimaadyada Garoonka.