VIDEO: Puntland oo digniin u dirtay Shaqaalaha QM

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa shaaciyey gal-dacwadeedka 14 kamid shaqaalaha u shaqeeya Hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwaas oo lagu soo eedeeyay inay bixin waayeen canshuuraha ku waajibay Mushaarka Shaqaalaha Hay’adaha QM.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa amray shaqaalahan inay iska bixiyaan canshuuraha ku waajibay, waxaana uu sheegay in hadii ay bixin waayaan la marin-doono sharciga.