Waan-waan laga dhex waday Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharixiinta oo fashilmay

Dadaalo laga dhex waday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta Doorashada ayaa fashilmay, kaddib markii ay dhinacyadu ka biyo-diideen qodobo ay kala wateen.

Waan-waantan oo ay horkacayeen Senator Cabdi Qeybdiid iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa la doonayay in la isugu soo dhaweeyo dhinacyada. Musharixiinta ayaana soo jeediyay in Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ay raalli galin ka bixiso Weerarkii lagu qaaday Madaxweynayaashii hore ee Dalka iyo Bannaan-bax ay hoggaaminayeen Musharixiin uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa soo jeediyay in xaalada la qaboojiyo, sidoo kalena Musharixiintu ay baajiyaan Banaan-baxa qorsheysan jimcaha inuu ka dhaco Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah oo culeys kala kulmaya Madaxtooyadda ayaa diiday dalabkii Musharixiinta, halka Musharixiintuna ay si ku gacan seyreen dalabka Rooble.