Wasiir Xaange “DFS wax door ah kuma laheyn soo celinta Mashruuca wadada Gaalkacyo – Garoowe”

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Hormarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Puntland Abdiqafar Hange, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa beeniyay sheegashada Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS ee ah inay soo celisay Mashruuca dhismaha Wadada Gaalkacyo – Garoowe.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka uu Facebook soo dhigay Wasiir Abdiqafar Hange.

“Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka Caalamiga ah ee Puntland waxay la wadaagaysaa dadweynaha reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba inay Dowladda Puntland soo bilowday dedaaladda dib-udhiska Wadada Jalam-Harfo, horraantii Sanadka 2019, ugu dambayntiina lagu guulaystay, iyadoo ay soo martay marxalado kala duwan.

Waxaa la dhamaystiray qiimayntii qaab-dhismeedka wadada ( Construction design works) kadib 4 sahan oo isdaba joog ahaa oo la qabtay, iyadoo ay hadda socoto howsha qandaraas bixintu. Haba yaraatee ma jirin gacan ay ka gaystay Wasaaradda Qorshaynta Federaalka ah ee Soomaaliya qabsoomidda shaqooyinkaas.Sheegashadooda been abuurka ahna waa mid lala yaabo!! Waxaan uga digaynaa Wasaaradda Qorshaynta Federaalka Soomaaliya inaysan hagardaamo u gaysan dhamaystirka Howsha wadada.”