Axmed Madoobe oo la kulmay Hay’adaha Garsoorka Jubbaland

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyadda Hay’adaha Garsoorka Jubbaland.

Kulanka Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Hay’adaha Garsoorka ayaa looga hadlay Hanaanka shaqada hay’adaha garsoorka, si loo xoojiyo shaqada ay u hayaan Bulshada.