Ciidanka PMPF Puntland oo bad-baadiyay Kalluumeysato Yamaniyiin ah

Ciidamada badda Dowladda Puntland ee PMPF ayaa badbaadiyey kalluumaysato u dhashay wadanka Yeman oo Saxiimad ay wateen ku xumaatay xeebaha degmada Eyl ee Puntland, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidamada.

Ciidamada PMPF ayaa sheegay in bad-baadinta kalluumaysatadan oo Labo maalmood la laa’aa ay timid, kaddib markii ay shacabka Degmada Eyl kusoo wargeliyeen Ciidanka, iyagoo intaas ku daray inay kalluumaysatadan ay heystaan shatiga Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland.