Ra’iisul Wasaare Rooble oo ma ka faa’ideysan doonaa fursada ay siisay Beesha Caalamku ?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga dalbaday in uu yeesho doorka hogaaminta doorashada Soomaaliya maadaama uu dhamaaday muddo xileedka Madaxweynaha islamarkaana uu Farmaajo lumiyay kalsoonidii laga qabay ee fulinta heshiisyada.

Wakiilada caalamka ayaa Ra’iisul Wasaare ka dalbaday in uu qanciyo mucaaradka iyo Dowladaha Jubblaand iyo Puntland isagoo kaashanaya Beesha Caalamka.

Ilaa caawa ayaa la filayaa in ay is badasho xaaladda Soomaaliya ee dhinaca doorashada ama ay qaadato waqti kale oo dheeraad ah, sidoo kale dadaalada socda ayaa qeyb ka ah sidii ay dowladdu u ogalaan laheyd banaanbaxa berri iyo in ay raali gelin ka bixiso dhibaatadii Muqdisho ka dhacday todobaadkii hore.