Rooble iyo Musharixiinta oo ku kulmaya Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble, iyo xubno ka socda Midowga Musharixiinta ayaa maanta kulan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ay garwadeen ka yihiin Senator Cabdi Qeybdiid iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle, ayaa looga hadlayaa weerarkii 19-kii bishan lagu qaaday Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo Bannaan-bax ay horkacayeen Musharixiin uu kamid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee XFS.

Kulanka oo ka dhacaya Hotelka Decale oo ku yaalla Garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa la filayaa in marka uu soo dhamaado ay war kasoo saaraan labada dhinac.