Turkiga oo Waraaq u diray Farmaajo iyo Xijaar oo amar siiyay Booliska Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeedu dhamaaday ayaa heegan 100% galiyay Ciidanka Booliska Muqdisho, kaddib cabsi soo wajahday Villa Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo ay saacadihii ugu dambeeyay wajahayay culeys dhanka Ciidanka ah, kaddib markii Dowladda Turkiga ay u sheegtay Farmaajo in aysan aqbaleyn in Ciidanka ay u dhistay xoojinta Dowladmimada Soomaaliya loo adeegsado dano shaqsi iyo fulinta weeraro ka dhan ah Dilmuquraadiyadda curdanka ah ee Soomaalida.

Turkiga ayaa si gaar ah u tababara Ciidanka Gorgor, isagoona siiya saanad Milateri iyo lacag gino ah, sidoo kale wuxuu Dowladda Farmaajo ka caawiyaa tababarka Ciidanka Haramcad oo uu maamulo Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo ah abaabulaha qorshayaasha Farmaajo.