VIDEO: Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Puntland ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cismaan Karaash ayaa Shir-Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan ay ka qeybgaleen Guddoomiyayaasha Gobolada, Degmooyinka, Saraakiisha amniga iyo Lataliyayaal Madaxweyne.

Kulanka ayaa todobaadkan looga hadlay dardargelinta shaqooyinka socda iyo adeega dowladnimo ee Bulshada loo hayo. Iyadoo Madaxweynuhu uu warbixino ka dhegaystay Wasaaraddaha , Guddoomiyayaasha Gobolada iyo Degmooyinka iyo masuuliyiinta kale ee kulanka ka qeybgalay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa faray Golaha Wasiirada, Guddoomiyaasha Gobalada iyo Degmooyinka iyo Saraakiisha Hay’adaha Amniga dardar-gelinta howlaha shaqo ee Shacabka ay u hayaan, si loo xaqiijiyo qorshayaasha Dowladda ee hormarinta Dalka.