VIDEO: Senator Naciima oo ku baaqday in loo gurmado shacabka Yaaq-barri-wayne

Senator Naciima Ibraahim Yuusuf Xoghayaha Guddiga Khayradka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sare BFS ayaa ku baaqday in gurmad samafal iyo mid amni oo deg deg ah lala gaaro shacabka Yaaq-barri-wayne iyo deegaannada hoostaga oo nabadiidka Alshabaab ay barakiciyeen, guryihii iyo ceelashii ay biyaha ka cabi jireenna ka gubeen.