VIDEO: Xeer ilaalinta Puntland oo shaaciyey cidda uu kasoo jeedo nin la isku heystay

Xafiiska Xeer -ilaalinta Guud ee Dowladda Puntland ayaa shaaciyey cidda uu ka soo jeedo muwaadin ay ku muransanaayeen dhalasho ahaantiisa Labo qoys, kaas oo dadiisu tahay 63 – 64 jir.

Xeer ilaaliye ku-xigeenka Dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo ku dhawaaqay go’aanka ayaa sheegay in lagu cadeeyay Qoyska uu ka tirsan yahay dhecaanka labada dhinac iyo Ninka la isku heystay oo ay baaris ku sameysay Hay’adda Foransig Sayniska Dowladda Puntland.