Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Rooble iyo Midowga Musharixiinta

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan hotel Decale ayaa ii sheegay in shirka looga hadlay saddex qodob, islamarkaana mid kamid ah la isku fahmay halka labada kale ilaa hadda aan la isku fahmin.

Dhinacyada ayaa isku fahmay in xukuumadu ay raali gelin ka bixiso dhibaatadii dhacday 19-kii bishaan iyo in guddi loo saaro isla arintaas, balse waxaan wali la isku fahmin in banaanbax berri la joojiyo oo ay dalbatay xukuumada.

Mucaaradka ayaa ku adkeysanaya i berri dhaco banaanbaxa halka Ra’iisul Wasaaraha codsaday in la joojiyo si xukuumadu ugu diyaar garowdo sugida amniga.

Sidoo kale mucaaradka ayaa dalbaday in laga qeyb geliyo geedi socodka doorashada basle Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in qodobkaan uu kula laabanayo Madaxweynaha maadaama uusan qeyb ka aheyn saxiixiyaasha heshiiskii doorasho ee 17-Sep. 2020.

Shirka ayaa hada soo dhamaaday qeybta 1-aad waxaana daqiiqado kadib dib loogu laaban doonaa isla shirkaan.