XOG: Beesha Caalamka oo dalab iyo digniin adag u diray Farmaajo

Villa Soomaaliya ayaa wajaheysa jahwareer iyo xaalad kacsan, kaddib markii Beesha Caalamku ay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ay ku amartay in 72 saac gudahood uu kusoo buuxiya qaar kamid ah shuruudihii ay soo jeediyeen Puntland iyo Jubbaland.

Wakiillada Beesha Caalamka oo Waraaq u diray Farmaajo ayaa sheegay in aysan ka aqbaleyn halka uu ku wado Dalka, loogana baahan yahay inuu raaco Dastuurka Dalka iyo curfiyadda Dowladeed ee Xukuumadihii ka horeeyay ay sameeyeen.

Ugu horeyn Beesha Caalamka ayaa hordhigtay Farmaajo inuu soo saaro Waraaq lamid ah tii uu soo saaray Madaxweynihii ka horeeyay Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu ku muujinayo in Awoodiisii sharciga aheyd ay dhamaatay, uuna yahay Sii-hayaha Madaxweynaha, Dowladiisuna ay shaqadeedu tahay inay Doorasho Dalka ka qabato.

Sidoo kale, Beesha Caalamka ayaa Farmaajo u jeediyay inuu yahay midka sida rasmiga ah u hagar daameynaya Heshiisyada Doorashada Dalka, ayna ka aqbaleyn inuu colaad dalka u horseedo.