Axmed M. Fiqi “Oday Farmaajo heshiiska ma soo dhaweyn mana diidin”

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, oo ka hadlay Heshiiskii ay xalay gaareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah iyo Midowga Musharixiinta ayaa shaki galiyay ku qanacsanaanta Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Axmed Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble inuu noqdo ilaaliyaha heshiiskan.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Axmed Macalin Fiqi.

Heshiiskii xalay ay wada gaareen Raysulwasaaraha xukuumadda Federaalka iyo Midowga mushraxiinra ayna garwadeenka ka ahaayeen madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle iyo Akhyaar kale wuxuu ahaa mid loo baahnaa oo ku yimid is-aqoonsi, meeshana ay ka baxday inkiraadii sanadahii la soo dhaafay socotay.

Heshiiska nuxurkiisa waxaa lagu soo koobi karaa:

  1. wixii dhacay qirashadooda iyo ka qoomamayntooda dhanka Dawladda.
  2. wixii la isku hayey oo banaanbaxa ahaana ogolaanshihiisa iyo sugidda xuquuq dastuuri ah inuu yahay iyo
  3. wadahadaladii doorashada bartii in laga sii wado si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Balse Oday Farmaajo weli soo dhowayn iyo iska fogeyn heshiiskaan midna lagama haayo, waxaan Raysulwasaare Rooble ka rajaynayaa in heshiiskaan uu wakiilka uga ahaa Dawladda Federaalka ah uusan yeelan wax biyo-days ah!.!