Deni iyo Axmed Madoobe oo ku wajahan Muqdisho

Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda gaaraan magaalada Muqdisho, oo uu ka furmi doono Shirka wada-tashiga arrimaha Doorashooyinka oo lagu dhameystirayo heshiiskii 17-Sep-2020.

Shirka oo ka dhacaya Xerada Xalane ee Muqdisho ayaa waxaa garwadeen ka ah Wakiilada Beesha Caalamka, iyadoona ay ka qeyb-galayaan Madaxda DFS ee muddo-xileedkiisu dhamaaday, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Shirka ayaa imaaaya xilli la fuliyay qaar kamid ah Shuruudihii ay Puntland iyo Jubbaland ku xireen ka qeyb-galka Shirka dhameystirka arrimaha doorashooyinka oo ay kamid ahaayeen (In Xukuumadda xil-gaarsiinta ah qirato Mas’uuliyadda weerarkii lagu qaaday 19-Feb Musharixiinta Raalli-galina ka bixiso, In Madaxweyne Farmaajo laga wareejiyo Hanaanka doorashooyinka oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, In Beesha Caalamku ay garwadeen ka noqoto Shirka & In goob amaan ah lagu qabto Shirka).

Lama oga xilliga rasmiga ah ee ay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland tagi doonaan magaalada Muqdisho.