Faallo: Maxay mudan yihiin halgamayaashii Jabhadii SSDF ?

Inta dhimatay iyo inta nool ee halgankii SSDF qaybta ka ahaa waxay mudan yihiin in loo dhiso taalo,maalin la xuso iyo Bilad qiimaheedu sareeyo.

Manhajka Waxbarashada Puntland waa in lagu daraa.

Sidoo kale waa in loo yagleelaa hay’ad ugaar ah oo tabantaabisa dhashii halgamayaashaas taariikhda meesha adag ka galay.

Daahir Mire Jibril waa astaamaha nool mid ka mid ah in la karaameeyana mudan.

Ragii iyo Gabdhihii ubaxay halgankaas waxay wax walba uga tageen ka dhiidhinta diktatooriyadii,kalitalisnimadii iyo dulmigii Siyaad Barre.

Halgankaas waxa ugu yar ee laga faa’iday waa Puntland iyo nidaamka Fadaraalka ah

SSDF dareen iyo tixaglin gaar ah hakuu lahaato.

Jibril Qoobey.