Ganacsato Reer Puntland ah oo Lacag ugu deeqay Hormarinta Gaalkacyo (Sawirro)

Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo, ayaa qado soo dhaweyn ah u sameeyey Ganacsatada Maalgashatay Dakada Garacad, Maamulka Shirkada Waddaagsan ee Dakada Gacanta ku haysa, Maareeyaha Dakada Garacad, Ganacsatada Gobalka Mudug, Guddoomiye Xigeenka 2aad ee Maamulka Mudud iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland.

Soo dhawey iyo qadashar dabadeed, Maamulka Degmada ayaa Ganacsatada u soo bandhigay Wax-qabadkii Maamulka cusub iyo Caqabadaha horyaagan in ay Magaalada Gaalkacyo la tartanto Magaalooyinka waaweyn ee Puntland. Maamulka Degmada ayaa Ganacsatada u soo bandhigay in ay ka qayb qaataan in Degmadu yeelato Gaadiid ay ugu adeegto Danta Guud waxna uga qabato Maareynta Biyaha roobka oo fariista Maagaalada dhexdeeda go’doona galiya guud ahaan isku sovidka Shacabka xirana Ganacsiga iyo Goobaha Waxbarashada.

Sidoo kale Gaadiidkaas waxa uu qayb mugle ka gaysan doonaan Qirshaynta Guud ahaan degmada Gaalkacyo, Maareynta Fayodhawrka iyo Furida waddooyinka xiran.

Ganacsatadii shirka ka qaybgashay ayaa aad usoo dhaweeyey Wax qabadka mudada bisha ah iyo qirshayaasha cusub oo ay ka muuqato hufnaa iyo hawlkarnimo.

Ganacsatadii ayaa Madasha ku yaboohday lacag dhan $ 26’000 USD, Inta dhimana waxaa loo magacaabey Guddi isugu jira Ganacsato, Culumo iyo Maamulka Degmada.