Golaha Amaanka QM oo cunaqabateyn saaray xubno katirsan Al-Shabaab

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa si aqlabiyad ah u taageeray in xayiraad la saaro sadax xubnood oo ka tirsan kooxda shabaab

Xubnahan argagaxisada ayaa kala ah Abuukar Cali Aadan oo ah ku xigeenka hogaamiyaha shabaab,Macalin Ayman iyo Mahad Karataay.

Dowlada Soomaaliya oo kaa shaneysa dalka Mareykanka ayaa arintan ka dalbatay golaha amaanka

Talaabadan ayaa waxaa soo dhaweeyay wasaarada arimaha dibadda ee Mareykanka

Erica Barks-Ruggles oo ah saraak sare oo ka tirsan xafiiska arimaha heyadaha caalamiga ee wasaarada arimaha dibadda Mareykanka ayaa arintan ku tilmaantay talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya.