Al-Shabaab oo weerar ku qaaday degmada Qansax-dheere

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday degmada Qansax-dheere ee Gobalka Baay, waxaana dagaal ka dhacay degmada uu sabababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka degmada Qansaxdheere oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka ayna qasaare xoog leh gaarsiiyeen kooxdii soo weerartay.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Qansax Dheere Maxamed Mukhtaar Cabdi ayaa sheegay in 9-ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab weerarka lagu dilay, 12-kalena laga dhaawacay halka tiro kale oo iyagoo dhaawac ah nolosha lagu qabtay.

Maxamed Mukhtaar ayaa tilmaamay inay ka war qabeen dhagarta cadawga islamarkaasna ay udiyaar garoobeen isagoona sheegay in ciidanka AMISOM ee degmada ku sugan iyo kuwa Daaraawiishta Konfurgalbeed ay sii baacsadeen maleeshiyaadkii baxsadka ahaa.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dagaalamayaasha Alshabaab oo kordhiyay weerarada ay ka geysanayan deegaano ka tirsan gobolka Bay.