Ciidanka Puntland oo howlgallo ka wada Boosaaso

Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo lagu xoojinayo amniga ka wada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, oo kamid ah magaalooyinka ay ka qabsoomeyso doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS.

Howlgaladan oo ay si wadajir ah ay u fulinayaan Ciidammada Booliska, PSF iyo Daraawiish-ta Puntland, ayaa Ciidammadu ay baaris ku sameynayaan gaadiidka dadweynaha iyo qaar kamid ah xaafadaha magaalada Boosaaso.

Ciidanka Howlgaladan si joogto ah u waday bilihii lasoo dhaafay ayaa gacanta ku dhigay walxaha Qarxa oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo Shacabka Boosaaso. Sidoo kale Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay maleeshiyo kamid ah kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.