Dhawaqa Gantaalo culus oo laga maqlay Boosaaso

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in dhawaqa Gantaalo culus oo ka dhacay dhinaca Badda xalay laga maqlay Boosaaso.

Gantaaladan oo dhawaqooda la maqlay Labo jeer ayaan la ogeyn, meesha lala beegsaday iyo cida rideysay.

Xeebaha Puntland ayaa waxaa ku sugan maraakiib dagaal oo ay lee yihiin dalal dhowr ah, kuwaas oo sameeya howlgallo ka dhan ah Burcad-badeeda.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.