Reer Galbeedku markay doonaan dambigay kuugu sacab tumi, marka kalana aday kugu dili! (Warbixin)

Waxay ahayd bishii December 2019, markii gudiga abaal marinta bilada nabada aduunka ee Norway ay gudoon siiyeen raisul Wasaaraha itoobiya Abiy Ahmed bilada nabada aduunka ee sanadka 2019, iyadoo sabab looga dhigay inuu meesha ka saaray colaad mudo 20 sano labadan u dhaxaysay wadanada eritrea iyo itoobiya, walow aan markaa heshiis rasmi ah oo ka baxsan xidhiidhka abiy iyo Afworke la shaacin.

Isla sanadkaas waxaa itoobiya ka socday isku dhacyo qoomiyadeed oo lagu hoobtay waxaana gudaha dalka ku qaxay dad kabadan 3 million oo qof halka kumanaan ay dhinteen ama wadanka dibada uga carareen.Sidookale intabadan sanadkii 2020,wuxuu ahaa mid sii xoogaysteen isku dhacyada qoomiyadaha itoobiya (ethnic violence), balse wadamada reer galbeedka iyo saxaafada reer galbeedka intuba waa ay iska dhago iyo indhaba tireen.

Waxaa iyana muhiim ah inaan xusno in sanadihii 2019/2020 ay itoobiya ka dheceen dilal qorshaysan (assassination) oo aan ilaa maanta cidina jawaab u haynin, waxaana kamid ah dilkii madixii dhismaha GERD engineer Simanyow bekele, dilkii taliyaha milatariga itoobiya General Seare Mokennon, madixii saadka milatariga General Gezew Abera, dilkii madaxwaynihii deegaanka axmaarada Dr. Ambachew Mokennon iyo wasiiradii xukuumadiisa, dilkii heesaa Hachalu Hundeesaa iyo kuwo kale.

Intaas oo dhan reer galbeedku indhaha iyo dhagahaba waa ay ka furaysteen xaalada itoobiya, walow ay qaarkood yareeyeen taageeradii dhaqaale iyo siyaasadeed hadana PM Abiy Ahmed wuxuu ahaa mid isu arka inuu saaxiib dhaw layahay reer galbeedka.Markale bishu waa December 2020, PM Abiy Ahmed waxa uu sitoosa ushaaciyay inuu amray hawlgal ciidan oo ka dhan ah TPLF iyo deegaanka tigreega, isagoo ku sababeeyay in TPLF weerartay taliska waqooyi ee ciidanka milatariga itoobiya.

Hadeer waxwaliba waa uu isbadalay, saxaafada reer galbeedka oo ka faaiidaysanaysa khaladaad dhanka war fidinta ah oo ka dhacay PM Abiy Ahmed ayaa durba bilaabay dacwad oogis, waxaana markiiba ladareemay in beesha caalamka inteeda badan ay dhinac ka noqotay Abiy iyo dagaalka deegaanka tigreega oo lagu hoobtay, iyadoo lagu sababaynayo in Abiy iyo Afworke u heshiiyeen tirtirida cadaw wadareed gaar ah.

Shalay ayay warbaahinta NYT waxay daabacday inay heshay xog rasmi balse aan wali lashaacin karin (classified report) ah oo muujinaysa in ay dawlada maraykanku diyaarisay warbixin cadaynaysa in PM Abiy Ahmed uu wado gumaad ka dhan ah qoomiyada tigreega, isagoo kaashanaya Axmaaro iyo Afworke.

Dhankakale AI ayaa soo saartay warbixin dheer oo lagu gunaanaday in Abiy Ahmed iyo Afworke ay gaysteen dunuub dagaal iyo gumaad qoomiyadeed oo wali socda.

Tolow maxaynu filan karnaa maalmaha soo socdaa?

Malagayaaba in gudiga Bilada nabada aduunka ee Norway ay soo saaran warbixin lamida tii haweenaydii Burma?

W/Q: Cabdiraxmaan Ismaaciil