Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka oo ka bad-baaday Qarax

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Cabaas Amiin, ayaa ka bad-baaday Qarax Miino oo maanta lagula eegtay Magaalada Muqdisho gaarigiisa.

Qaraxan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lagula eegtay gaariga Taliye ku-xigeenka agagaarka Iskuulka ‘Hoyga Xamar’ ee Degmada Hodan, waxaana ku dhintay Labo kamid ah Ilaaladiisa.

Kooxda Al-Shabaab oo qoraal soo dhigay barahooda bulshada ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxan, oo sidoo kale ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah.