Akhriso: Guddiga lagu muransan yahay ee Doorashooyinka oo baaq soo saaray

Guddiga lagu muransan yahay ee hirgelinta doorashooyinka ayaa ku baaqay in xal deg deg ah laga gaaro arrimaha dorashooyinka dalka si looga gudbo caqabadaha weli hortaagan inay qabsoomaan doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Guddiga lagu muransan yahay ayaa loogu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo-xileedkoodu dhamaaday & Dowlad Goboleedyada in ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020 lagu gaaray Magaalada Muqdisho. Sidoo kalena isugu yimaadaan Shir deg deg ah.

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka ayaa so dhaweeyay heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay.