Jubbaland oo war kasoo saartay xaalada abaareed ee Gobalka Gedo

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa war ka soo saartay xaalada Abaaraha ka jira gobolka Gedo xili xaalad biniaadanimo oo adag gobolka laga soo sheegayo.

Jubbaland ayaa sheegtay in Gobalka Gedo uu wajahayo xaalad daran oo abaareed, Amni-darro iyo cudurka COVID-19 oo fara ba’an ku haya dadka kunool deegaanadaas, iyadoo ku baaqday gurmad deg deg ah.