Maxaa looga hadlay Shirka Rooble iyo Midowga Musharixiinta ? (Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa hadda ka bilowday Shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga musharaxiinta, kaa oo looga hadlayo dhameystirka Heshiiskii 25-kii bishii Febaraayo.

Shirka ayaa si gaar ah diirada loogu saari doonaa doorka midowga Musharixiinta ee doorashooyinka, maadama muddo xileedkii uu ka dhamaaday Madaxweynaha iyo Hay’adaha dastuuriga ah ee DFS, iyadoon heshiis dhameystiran laga gaarin arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo shirkii hore ka maqnaa ayaa maanta kasoo muuqday kulanka.