TPEC oo la shiray Guddiga Wasiirada Puntland u qaabilsan Doorashooyinka (Sawirro)

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa xaruntiisa kula shiray wasiirada wasaaradaha Puntland ee ay wada shaqeynta leeyihiin, kulanka waxaa kasoo qaybgalay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Amniga, Caddaaladda, Caafimaadka, Dhalinyarada iyo Warfaafinta.

Guddoomiyaha TPEC Guuleed Saalax Barre oo soo dhaweeyey wasiirada ayaa warbixin ka siiyey wax qabadkii Guddiga intii u dhexeysay shirkan iyo kii ka horeeyey ee wasiirada Puntland iyo TPEC.

Guddigu wuxuu wasiirada u sheegay in la dhammeystiray xeerarka iyo hab-raacyada lagama maarmaanka u ah in dooraaho ka dhacdo 3da degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufeyn, bartamaha sanadkan.

Kulankan oo ka mid ah shirarka TPEC ay la yeelato masuuliyiinta hay’adaha dawladda looga wada hadlay udiyaargarawga doorashooyinka soo aaddan iyo sidii hay’adaha dawladdu ugu diyaar garoobi lahayn.

Sidoo kale waxaa la isku raacay in Guddigii Amniga Doorashooyinka dhowaan la magacaabo ayna shaqo galaan.

Wasiiradu waxay adkeeyeen in ay dhankooda diyaar la yihiin qaybaha kaga aaddan qorsha TPEC ee hirgalinta doorashooyinka 3-da degmo, sida wacyi-galinta, amniga goobaha cod bixinta, daryeelka, caafimaadka iyo faya-qabka goobaha diiwaangalinta iyo cod bixinta.

Doorashada 3da degmo ee Eyl,Qardho iyo Ufayn ee Bartamaha 2021 dhacaya, waxaa xigi doonta doorashada ka dhici doonta dhammaan degmooyinka kale ee Puntland.