VIDEO: Shir looga hadlayo Siyaasadda Maaraynta Biyaha Puntland oo ka furmay Garoowe

Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dawladda Puntland mudane Axmed Maxamed Yuusuf ( Taaran ) ayaa maanta daah furay Siyaasadda Maaraynta Khayraadka Biyaha Dawladda Puntland.

Siyaasadda Maaraynta Khayraadka Biyaha ayaa si guud u dul istaagaysa dhaqaalaynta Biyaha sare ( kuwa roobka ) iyo kuwa hoose ( kuwa dhulka hoostiisa ku jira), qaybsiga ama wadaagga Khayraadka Biyaha, maamulka khayraadka biyaha ee gobolada iyo degmooyinka dawladda Puntland.

Dood dheer ka dib dhammaan kasoo qayb galayaasha shirka ayaa hoosta ka xariiqay; in loo baahan yahay wax ka qabashada biya yaraanta soo wajahan mustaqbalka dhow iyo kan fog iyo sidoo kale baahida ka dhalan karta maarayn la’aanta khayraadka biyaha deegaanada Puntland, sidaa awgeedna loo baahan yahay in xoogga la saaro lagana mira dhaliyo hirgelinta Siyaadda Maaraynta Khayraadka Biyaha DPL.