Beesha caalamka oo baaq deg deg ah u dirtay DFS iyo Dowlad Gobaleedyada

Wakiillada Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay wada-hadallada Muqdisho ku dhex-maray Ra’iisul Wasaaraah xilgaarsiinta & Xubnaha Midowga Musharixiinta.

War-Saxaafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada in si deg deg ah loo qabto shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxay ha Caalamka.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan sii socoshada wadahadalada 1dii Maarso ee u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha. Kadib shirkii guusha kusoo dhammaaday ee 25kii Febraayo, saaxiibadu waxay ka codsanayaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Murashaxiinta Madaxweynaha inay ku tallaabsadaan horumar hor leh.

Waxaan sidoo kale ku boorineynaa madaxda DFS iyo DGXF inay qabtaan shir-madexeedkii la qorsheeyay maalmaha soo socda si loo xaqiijiyo qorsheyaasha fulinta ee heshiiskii 17kii Sebtember, loona soo gabagabeeyo dib u eegista soo-jeedintii Guddiga Farsamada ee 16kii Febraayo si geedi-socodka doorashada uu u bilaawdo iyadoo aanay jirin dib u dhac dambe.

Warkaan kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shir isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.