Ciidanka Amniga Puntland oo howlgallo ka wada Gaalkacyo

Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaddib dil xalay magaaladaas loogu geystay Wariye Jamaal Faarax Aadan oo kamid ahaa Suxufiyiinta waa weyn ee Puntland.

Ciidammada ayaa howlgaladooda ku bartilmaameedsanaya dad lagu tuhmayo inay qeyb ka yihiin falalka Amaan-darro ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka tacsiyeeyay dilka Wariye Jamaal Faarax Aadan, waxaana uu faray laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan dadkii ka dambeeyay dilka Wariyaha.