Deni iyo Axmed Madoobe ma aqbali doonaan Casuumaada cusub ee Farmaajo ?

Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa xalay shaaciyay inuu martiqaad uu u diray Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, si ay uga soo qeybgalaan Shir lagu dhameystirayo Heshiiskii Doorashooyinka 17-kii September-2020 iyo Is afgaradka Guddiga farsamo ee DFS iyo Dowlad Gobaleedyadu ku gaareen Magaalada Baydhabo.

Shirka oo ka qabsoomaya Magaalada Muqdisho ayuu Farmaajo sheegay inuu dhacayo 4 bishan Maarso (Khamiista), uuna socon doono 1 Maalin. Waxaana shaacinta martiqaadkan uu Farmaajo kusoo beegay saacado uun kaddib markii heshiis ay Hotelka Decale ku gaareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Maxamed Xuseen Rooble iyo Midowga Musharixiinta.

Heshiiska Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ayaa lagu shaaciyay Labo Guddi oo ka kala socda Labada dhinac, kuwaas oo midkood baaris Madax banaan ku sameyn doonto dhacdadii 19-kii Febaraayo, oo aheyd Weerarkii Madaxweynayaashii hore ee Dalka, halka Guddiga labaadna uu diyaarin doono banaan-bax nabadeed oo Muqdisho ka dhacaya 6 bishan Maarso oo ku beegan sabtida soo socota.

Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe oo horey uga baaqsaday casuumaadaha aan joogsiga laheyn ee Farmaajo, ayaan la ogeyn inay aqbalayaan martiqaadkan, iyagoo horey ay shuruudo ugu xireen tagistooda Muqdisho.