Nin dili lahaa Madaxweynaha Kenya oo Maxkamad lasoo taagay

Nin ku hanjabay inuu toogan lahaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la soo taagay maxkamad ku taal Kiambu, sida uu daabacay wargeyska Daily Nation.

Ninka oo lagu magacaabo Simon Muchiri ayaa lagu eedeeyay in Sabtidii la soo dhaafay uu bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu ugu hanjabayo Madaxweynaha.

Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu galay dembiyada internet-ka lagu geysto oo uu daabacay “qoraal khatar ku ah xafiiska Madaxweynaha iyo dadka ka shaqeeya.”