VIDEO: Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Farmaajo wuxuu xagal daacinayaa Wada-hadalka Xukuumadda iyo Musharixiinta”

Midowga Musharixiinta oo kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu xagal-daacinayo Heshiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah iyo Midowga Musharixiinta.

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kulanka Midowga Musharixiinta kaddib Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Farmaajo uu caqabad ku yahay heshiiska Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Musharixiinta, uuna Shir aan sharci aheyn xalay ku baaqay.

“Waxaa nasiib darro ah in Madaxweyne farmaajo uu si ula kac ah u xagal daacinayo wada hadallada u dhaxeeya Reysal wasaaraha iyo Golaha Midowga Musharixiinta” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.