VIDEO: Dowladda oo mamnuucday Isu soo baxyada, xilli Mucaaradku abaabulayaan Bannaan-bax weyn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS Cusmaan Abuukar Dubbe, oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda  ayaa sheegay in la joojiyay dhamaan isku soo baxyada, Xafladaha iyo Goobaha caweyska ee Habeenkii.

Sidoo kale, Wasiir Dubbe ayaa sheegay in Dowladdu amartay in la xiro dhamaan goobaha Waxbarashada, Xafiisyada Dowladda, lana fasaxay shaqaalaha Dowladda.

Go’aanka kasoo baxay Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS ayaa imaanaya xilli habeen hore uu Ra’iisul Wasaare Rooble magacaabay Guddi isugu jira Midowga Musharixiinta iyo Dowladda, kuwaas oo ka shaqeynaya Bannaan-baxa nabadeed oo Muqdisho ka dhacaya 6-da Maarso oo ku beegan sabtida soo socota. Lamana oga saameynta go’aankan ku yeelanayo Bannaan-baxan.