VIDEO: Madaxweyne Deni “Dowladda Federaalka inagaa iska leh haday qaldan tana waan qabanaynaa”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay halka uu salka ku hayo Khilaafka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo ismaan-dhaafka Arrimaha Siyaasadda ee ka dhex taagan.

Madaxweyne Deni oo wareysi siiyay Universal TV ayaa xusay in Puntland ay door weyn ku laheyd dhismaha DFS, aysana aqbalay in la dibin daabyeeyo Dowlad dhiska Dalka iyo Hanaanka Federaalka ah ee Soomaalidu ku heshiisay.