Xildhibaan Casoowe oo ku geeryooday Muqdisho

Waxaa Magaalada Muqdisho ku geeryooday maanta Allaha u naxariistee Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe), oo kamid ahaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo-xileedkiisu dhamaaday.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Uga tacsiyadeeyay Dhammaan xildhibaanadda  Golaha iyo Bulshada soomaaliyeed Geeridii Ku timid Marxuum Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble ( Casoowe ) oo muqdisho ku geeriyooday,

Gudoomiyaha Ayaa si gaar ah ugu tacsiyeey qoyskii, iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Xildhibaan Casoowe oo kamid ahaa Ragga waaya aragga ah ee ku jiray baarlamaanka soomaaliya .