DFS “Musharixiinta waxaan ka dalbanay in Taalada Daljirka Daahsoon laga daayo Bannaan-baxa”

War-saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS ayaa lagu sheegay inay Midowga Musharixiinta ay ka dalbadeen in Bannaan-baxa sabtida lagu qabto Garoonka Kubadda cagta Eng. Yariisow, lagana daayo Taalada Daljirka daahsoon oo ku dhow Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Xukuumadda ayaa sheegtay in Musharixiintu ay ku gacan seyreen dalabkoodaas, iyadoo ugu baaqday in Dadka banaan-baxa ka qeybgalaya ay raacaan tallooyinka Caafimaadka ee ka hortaga cudurka COVID-19.